Animation

War Cusub: Odayaashii Maalmahaan ku shirsanaay Magaalada Beledweyne oo Maanta Ciidanka Dowlada ay Xoog ku kala Direen kadib Amar ka soo baxay Guddoomiyaha……

no responses
Tuesday October 11, 2016 - 12:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka ka Imaanaya Magaalda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Ciidamada Dowlada ayaa Albaabada Isugu dhuftay Goob ay ku shirsanaayeen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan .

Goobta waxaa ka soconaayay Shir la doonaayay in Maamul loogu dhiso Gobolka Hiiraan kaasi oo loo bixiyay Hiiraan State shalay ayaana Dastuur KMG ah loo Sameeyay maamulkaan Cusub.

Warar Madax Banaan oo aan Helnay ayaa Sheegaya in Ciidamada Joojiyay Shirka la doonayay in Maamulka loogu dhiso Gobolka Hiiraan uu Amray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed.

Waxgaradka Gobolka Hiiran ayaa Aad u Cambaareyay Falkaan ay ku joojiyeen Ciidamada Dowlada Shir Maamul loogu sameeynaayay Gobolka Hiiraan.

Ilaa Hada War kama soo bixin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Horay u dhaliilay shirka Jowhar islamarkaana taagersan In Maamul cusub ay yeelato Hiiraan.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan dagmada Beledweyne kama aysan Hadlin Is hor istaagii lagu sameeyay shir maamul loogu sameeynaayay Gobolka Hiiraan.