Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

WAR CUSUB: Obama oo Qorshe aan horey loo arag lagu Qarxin rabay

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaheeda amaanka ay gacanta ku dhigeen Haweeney 46 jir ah oo damacsaneyd inay disho Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Mareykanka ayaa sheegay in Haweeneydaasi ay Barack Obama iyo guddoomiyihii gobolkaTexas Greg Abbott ay u dirtay qalabka qarxa si ay u disho.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay inay qorsheysay dilka labadaasi mas’uul, waxa ayna Xeer ilaaliyeyaasha sheegen in dilka la qorsheeyay uu ahaa mid fashilmay.

Xeer ilaaliyeyaasha waxa ay sidoo kale ku doodeen in walxaha qarxa ay haweenaydan ugu tala gashay inay ku disho labada mas’uul haddii qalabka la furi laha sidii loogu talagalay.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyeyaasha ayaa carab dhabay in Haweeneydaas ay horay u gashay danbiyo kala duwan, iyadoo Dukumiintiyada maxkamadda horyaal ay muujinayaan in haweeneydaasi lagu hayo 6 Dacwadood oo ay gashay gudaha Bisha aan ku jirno.

Dacwadaha ay soo bandhigtay maxkamada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in danbiyada loo hayo Haweeneyda ay qaarkood ku jiraan waxyaabo khasaaro keeni kara iyo waxyaabaha qarxa oo sababi kara dhimasho ama dhaawici karay siyaasiyiinta.

 

Docda kale, waxyaabaha Qarxa ee loo adeegsaday Barack Obama iyo Greg Abbott ayaa waxaa kamid ahaa telefoonka gacanta, baakadka sigaarka iyo qalab kale.

Related posts

Haween badan oo lagu dilay Ceel Afweyne iyo ragii dilay qaarkood oo la qabtay

admin

Daawo Sawirrada: Qarax ay ku dhinteen Ugu yaraan 100 Ruux oo ka dhacay Koonfurta Magaalada….

Tifaftiraha K24

AKHRISO: FADLIGA AY LEEDAHAY SOONKA MAALINTA 10-AAD EE CASHUURA

Tifaftiraha K24