Animation

War Cusub: Mid kamid ah Xubnaha Damul-jadiid oo Xasan Shiikh ku weeraray Ooraahda Qabyo Ninkeeda dhameystira

no responses
Sunday January 22, 2017 - 9:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xasan C/qaadir Muudey oo ah shakhsi ay isu xisbi yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka horyimid ereyga uu ku ololeynayo Madaxweynaha Somaliya, ee ah (Qabyo ninkeedaa dhameystira).

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay in qaynuunka dowliga ee dalka uu qabyo yahay, isagoo su’aal ka keenay in Madaxweynaha Somaliya keligii uu xaq u leeyahay dhameystirka qabyadaasi iyo in kale.

“Maadaama qaynuunka dowliga uu qabyo yahay, ma shakhsi ayaa qaynuunkii umadda ku dhaqmi laheyd oo dhan, keligii dhameystira kara? miyeysan xaq umadda Somaliyeed u lahayn in ay qabyadaas wada dhameystirto?” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Wuxuu kaloo yiri “Yaa xaq u siiyay Madaxweynaha keligii in uu dhameystiro qabyada? Waa khalad in keligii uu sheegto in qabyada qaynuuunka dowliga ah uu mar walba dhameystirayo keligii.”

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay in uu isagu u arko qabyo ninkeedaa u qowlan, balse aan la dhihi karin qabyo ninkeedaa dhameystira.

“Ka shakhsi ahaan waxaan u arkaa qabyo ninkeedaa u qowlan, ee maaha qabyo ninkeedaa dhameystira. Waxaa ii muuqata Xasan Sheekh inaysan waxba ka qabyeysanayn, balse ay wax ka qabyeysan yihiin sharuucda dowliga.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Waxaa uu intaa ku daray “Qaranimadeenu waa muqaddas, waana wax u baahan in aan nafteena ku dhiira-gelino ereyga qabyo iyo sidaan ku dhameystiri lahayn, ee yaan na lagu kala qaybin.”