Animation

War cusub: Maxkamad Racfaan oo Mareykanka ku taala oo ka farxisay Dalal ay soomaliya ku jirto iyo Banaanbaxyo lagu soo dhaweynaayo oo….

no responses
Sunday February 5, 2017 - 11:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamad racfaan oo heer federal ah ayaa ganafka ku dhufatay codsigii maamulka Trump ku doonayey in si dhakhso ah dib loogu dhaqan geliyo qaraarkii madaxweyne Tramp uu dadka ku tarxiilayeyo kaas oo garsoore heer federal ahi horjoogsaday Jimcihii.

Xayiraadda qaraarkani waxay saamaynaysay dadka u dhashay todoba dal oo Muslim ah.

Qareenada amarkan diidanaa ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn isla makaana dadka kala takooraya.

Garsoore heer fedeaal ah oo fadhiyay maxkamad ku taal Seattle ayaa dalabka qareennada dowladda hore ugu gacan saydhay kuwaas oo doodoodu ahayd in aanu isagu awood u lahayn inuu laalo qaraarka madaxweyne Trump.