Somali News Top News

WAR CUSUB: Maxkamad ku taala Magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka oo Maalintii 10aad Dhageysaneysa Dacwad loo heysto 3 wiil oo soomaali ah

Maxkamadeynta saddex wiil oo Soomaali Mareykan ah oo loo heysto Dacwado la xiriirta in ay ISIS ku beeri rabeen ayaa Shalay oo Khamiis aheyd waxa ay mar kale ka bilaabatay Dalka Mareykanka wiilashaasi waxaa lagu kala magacaaba , Mohamed Abdihamid Farah, Abdurahman Yasin Daud and Guled Ali Omar.

Maxkamada ayaa maanta waxaay maalintii sedexaad dhageysaneysaa marqaati furka Abdirahman Bashiir oo laftiisa horey uga mid ahaa kooxaha mintidiinta, balse hadda u shaqeynaayey hey’adda FBI oo uu u hayey howl xuuraanimo ah iyo inuu saaxiibadii ka xog keeno.

Maanta ayaa maxkamada waxaa fadhiyey gudiga xeerbeegtida, waalidka iyo caruurta iyo dad kale, iyo sidoo kalena eedeysanayaasha oo ay wehliyaan qareenadooda.

Codadka maanta maxkamada loo soo bandhigey ayaa ahaa kuwo wadasheekeysi ah, sidoo kalena waxaa la soo bandhigey wadasheekeysi dhexmarayey dhalintan iyo nin la sheegey inuu joogey Syria oo lagu magacaabo Abdi Nuur oo ay ku waceen qadka Skypeka.

Wadasheekeysigan ayaa qeyb ka mid ah waxa ay muujineysey dhalinyaradan oo u riyaaqsan saaxiibkood oo Syria ku guursadey gabar ay sheegeen in ay tahay Bangladesh.

Ereyada qaar waxa ay ahaayeen kuwo dhalinyaradan ay isla garanayeen oo dadka loo tarjumey balse micnahoodu caddeyn. Waxaase ay mararka qaar sheegayeen sida ay u doonayaan in ay ugu safraan dalka Syria.

Related posts

DEG DEG: Guddoomiyihii maxkamadda oo goordhaw is-casilay maxayse tahay sababat uu isku casilay?

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Madaxweyne Gas oo Afka Furtay Kooxda Al-Shabaab shacabka Xusuuqisa ka hadlay

Tifaftiraha K24

Top News: Taliska Ciidanka Xooga Dalka Oo Soo Saarey Hadal Aan U Rooneyn Dhegaha Al-shabaab (Muxuu Tolow Yahay???)

Tifaftiraha K24