Animation

War Cusub: Maxay tahay Sababta Madaxweyne Xasan Shiikh uu Waqtigaan Abaal marinta u Gudoonsiiyay Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha???

no responses
Monday October 24, 2016 - 2:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Maanta   Bilad Sharafeed iyo  Shahaado waxa uu gudoonsiiyay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim.

Munaasabad oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Masuuliyiin kale.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa ku mutaystay abaalmarintaan doorkii waynaa uu ka qaatay dhismaha Maamul goboleedka Hirshabelle oo dhismihiisa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Jowhar, waxa uuna Yahye mudo ku dhow hal sano uu soo qabtay howl naf hurnimo ah habeen sidii guul looga gaari lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle.

yahye_1-640x360 yahye_2-300x169