Animation

War Cusub: Maxay tahay Sababta Kooxaha Daacish iyo Al-Qaacidi ay usoo Dhaweeyeen Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump????

one response
Thursday November 10, 2016 - 1:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaalyahanada Daacish ayaa Amaanay guusha Donald Trump uu ka gaaray Doorashada Mareykanka waxaana daacish ay ku tilmaameen Guushaasi in ay tahay Mid Faaiido Badan keeni karta sida ay Hadalka u dhigeen Trumpna ku Tilmaamay in uu yahay waxmagartaha” billionaireka.

Daacish waxa ay sheegeen in Trump uu Naf ahaantiisa bur burin doono Wadanka Mareykanka Islamarkaana uu Kooxaha Argagaxisada u sahli doono in ay La wareegaan Dalka Mareykanka.

untitled-1

Mid ka mid ah jihaadiyiinta ISIS ayaa yiri: “Waxa aanu doonaynaa in dalkaasi uu maamulo dameer sida Trump oo baabbi’in doonaa.

“labada dhinacba , waa cadwgeena , waxaana kula kulmi doonaa oo kaliya fagaarah dagaalka. “Waa midkood iyaga mise anaga.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu ka dhigo oo ay ku halligmaan qorshahooda iyaga u gaar ah oo ay dhimasho dhexdooda imaata.

“Caalamku waxa uu u socda isbedel iyada oo isbedelkan uu Islamka qaban doono booska hoggaanka dhamaadka natiijada ayuu yiri Dagaalyahanka u hadlay Kooxda Daacish.

” Hadalka ISIS ayaa kusoo aadaya saacado un ka dib markii kooxda al-Qaacida ay sheegeen in Bilyaneerka White House qabsaday ay guul siin doonto kooxaha mujaahidiinta ah ee ka Dagaalama Bariga dhexe Waxaana Al-Qaacida ay sheegtay in Weeraro ay ka dhici doonan Wadanka Mareykanka.

Hadal lagu Baahiyay Barta Twitterka ayaa lagu yiri: “9-11 mareykanka waxa ku dhuftay masiibo ka soo gaartay al-Qaeda.Kadib Markii la beegsaday Daarihii Mataanaha ahaa Ee ganacsiga Adduunka sidoo kale Shalay oo ay ku Beegneyd 11-9, oo aheed markii la doortay Trump waxaa mareykanka ku dhacday masiibo ka soo gaartay codbixiyayaasha dalkaasi. “