Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaliya ay uga qeyb galaayan Wadanka Masar??? Warbixin+Sawirro ayaan idin kaga heynaa

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 8:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Qaahira ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 150-aad xilligii la aas aasay Barlamaanka Dalka Masar.

Magaalada Qaahira oo uu haatan ka socdo Shirka Barlamaanada Afrika, waxaana munaasabadaasi awgeed loogu hambalyeeyay Madaxda Dalkaasi iyo Guddoonka iyo Xildhibaanada Barlamaanka Dalkaasi Masar, iyagoo xusay in Masar ay ka mid tahay Dalalkii ugu horeeyay ee Barlamaan sameysta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in Masar ay sanadkaan marti galisay a Barlamaanada Afrika iyo Carabta ay muhiimadayda leedahay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar oo isna ka mid ahaa marti sharaftii ka qeybgalay Munaasabaddan ayaa ugu hambalyeyay Sanad guurada 150-aad aas-aaskii Barlmaanka Dalka Masar.

Dalka Masar waxaa lagu wadaa in dhawaan uu ka furmo Shirka Barlamaanada Afrika oo ay Xaruntiisa tahay Magaalada Johannseburg, iyadoo ay Sanadkan martiqaaday dalka Masar waxaana loogu hadli doonaa arrimo khuseeya Qaaradda Afrika.

bar bar1 bar2 bar3 bar4 bar5 bar6 bar77-4-1024x683 8-3-1024x683 9-2-1024x683