Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Xaafada Islii ay ka Fureen Safiirka Soomaliya ee Kenya iyo Shiikh Ummal?? Warbixin+Sawirro ayaan idin heynaa

2 responses
Friday November 4, 2016 - 10:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ganacsanatada ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Xaafadda Islii ka hirgelisay Masjid iyo goobo Ganacsi.

Munaasabaddii furitaanka ayaa waxa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, Jamal Maxamed Xasan, Culimaa’udiin, masuuliyiinta guddiga Ganacsatada Xaafada Islii iyo Marti sharag kale oo matalayay qeybaha lala duwan ee Bulshada.

Xaaji Axmed oo ah Milkiilaha Suuqa Ganacsiga ayaa ka sheekeeyay qeybaha uu ka kooban yahay dhisaha Suuqa iyo heerarkii kala duwanaa ee u soo maray ganacsiga iyo Masjidka ay ka hirgeliyeed Xaafada Islii.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

“Dhismahan waxaa loogu talo galay Siddeed Dabaq,Saddex ayan joognaa waxaa noo dhimman Afar kale, waxaan rabaa inan dhismaha inta dhiman waqaf u niyeysto,waana dhisi doonaa haduu Alle idmo”ayuu yiri Xaajigu.

Sheekh Maxamed Cabdi Ummal oo ku hadlayay Magaca Culimaa’udiinka ayaa sheegay in goobahani ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan Bulshada Islaamka ah, gaar ahaa Masjidka ayuu sheegay inay Halkii mar ku Tukan karto 2000 oo Qof, wuxuuna ku tilmaamay guul usoo hoyatay Muslimiinta Kenya iyo horumar.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Amb; Jamaal Maxamed Xasan, ayaa u mahad celiyay Guddiga Ganacsatada Xaafadda Islii, wuxuuna ku ammaanay kaalinta ay reer Islii kaga jiraan horumarka Ganacsiga Bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo adkaynta ammaanka.

k1 k2 k3 k4 k5 k6 k7 k8 k9

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

2 thoughts on “War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Xaafada Islii ay ka Fureen Safiirka Soomaliya ee Kenya iyo Shiikh Ummal?? Warbixin+Sawirro ayaan idin heynaa

Comments are closed.