Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo sheegaya Magaalada Qandala oo Daacish ay weli maamusho???

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 5:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Saakay ka imanaya Magaalada Qandala ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamdii Puntland ee shalay ka baxay Magaalada Kismaayo ay saakay Dageen Duleedka Magaalda qandala ee Gobolka Bari Halkaasi oo mudo ay Gacanta ku haayaan Koox ka tirsan Daacish.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay aad u hubeysanyihiin waxaana Saraakiisha Hogaamineysa ay sheegeen in ay Bilaaban doonan Howlgalka dib u xoreynta Magaalada Qandala.

Dadkii ku noolaa Magaalada Qandala ayaa Badankood isaga qaxay Magaalada waxaana dadkaa ay qaarkood hada ku suganyihiin meel 14 KM magaalada u jirta halka qaar kalana doomo lagu geeyay Magaalada Boosaaso.

Warar saakay aynu sidoo kale ka helnay Qandala ayaa waxa ay sheegayan in Duqeyn ay ka dhacday Xeryo ay Ciidamda  Daacish Magaalada kaga suganyihiin waxaana loo maleynaya in Duqeyntaasi ay ka timid Dhanka Maraakiibta badda ku sugan ee NATO ay leedahay.

Maraakiibta NATO ee ku sugan Xebaha Gobolka bari ayaa dhowr jeer waxa ay gantaalo ku rideen Xarumaha ay Magaalada Qandala kaga suganyihiin Dagaalyahanada Kooxda Daacish la magac baxday.

Lama oga sida Ciidanka Puntland ay Magaalada uga saari doonan Kooxdaan Mudada bil ku dhaw gacanta ku heysta Magaalada Qandala.