Somali News

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Muqdisho ay ku kala Saxiixdeen Mareykanka iyo Dowlada Federaalka???

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah maanta ku kala saxiixday Muqdisho.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho iyo Wasiirrada Maaliyadda iyo Waxbarashada Soomaaliya heshiiskan oo ku kacaya $17Milyan oo Doollar ayaa waxaa ay Dowladda Mareykanka ku taagereysaa hanaanka Waxbarashada Soomaaliya.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ,Stephen, M. Schwarts,oo dhanka Mareykanka u saxiixay heshiiskan ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Dowladda Mareykanka ay $64 Milyan oo Doollar ku taageerto waxbarashada Soomaaliya,taas oo $17 Milyan oo Doollar oo ka mid ah maanta lakala saxiixday.

Waxaa uu sheegay Danjire Stephen, M. Schwarts,in Dowladda Mareykanka ay dooneyso in Dhallinyarada Soomaaliyeed la sii fursado badan oo Waxbarashada ah taas oo Dowladda Mareykanka ay u mareyneyso Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, oo dhanka Dowladda Federaalka u saxiixay Heshiiskan ayaa sheegay in lacagahaasi fursado waxbarasho loogu abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed,islamarkaana ay Dowladda Mareykanka uga mahad celinayaan dadaalkeeda ku aaddan xoojinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya C/Qaadir Cabdi Xaashi oo isna madasha joogay ayaa sheegay in ay aad ugu mahad naqayaan Dowladda Mareykanka oo lacagtaasi ugu yaboohday hannaanka waxbarashada Soomaaliya.

Related posts

Dhageyso: 8-da march oo soomaliya qeybo kamid ah laga xusaayo marwada madaxweyne farmaajo oo…

Tifaftiraha K24

Daawo: Wasiir Jamaal xasan oo soo Gaba gabeeyay Socdaalkiisa Soon iyo Sanaag Xili soomaliland ay….

admin

DEG DEG: Ugas Maxamed Xaashi iyo 5 Masul oo Jubboyinka ka soo jeeda oo hada kulan la leh Niclos Kay.

admin