Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka dhacaya Magaalada Jowhar?? War ayaan Hada idin kaga heynaa

no responses
Monday November 7, 2016 - 8:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

-Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar.

8-da kursi ee kusoo aaddey maamulka Hirshabelle waxaa u tartamaya xubno dhowr ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah iyo mas’uuliyiin hore.

Haweenka ayaa u tartami doona Labo Kursi, waxayna taasi qeyb ka tahay ilaalinta qoondada Haweenka ee 30%.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in musharraxiinta xubnaha aqalka sare ay abaare 11-ka barqanimo ee maanta jeedin doonaan khudbadahooda, gelinka dambe ee maantana ay billaaban doonto doorashada.

“Xildhibaannada baarlamaanka waxa uu isku imaan doonaa Afar Saac. Shan Saac waxaa bilaabanaya khudbadaha musharraxiinta, Toban Saac waxaa bilaaban doona doorashooyinka aqalka sare” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.