Animation

War cusub: Maxaadan ogeyn oo ka dhashay dagaal alshabaab xalay ku qaaday saldhig ciidamada jubbaland ay ku leeyihiin…..

no responses
Saturday June 10, 2017 - 9:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xalay abaarihii 12:45 saldhig ciidamada daraawiishta jubbaland ku leeyihiin  duleedka Jaamacadda Kismaayo.

Dagaalka ayaa socday mudo daqiiqado ah waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kalal duwan.

Ciidamada jubbaland ayaa iska caabiyay xoogaga weerarka soo qaaday sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada jubbaland.

Dagaalka waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan oo labada dhinac ah inkastoo aan la ogaan karin qasaaraha inta uu la egyahay .

Saraakiisha ciidamada jubbaand waxa ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen hal askari mid kalana isagoo dhaawac ah ay qabteen hadana lagu dabiibaayo cisbitaal.

Saraakiisha NISA ee jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku haayaan wiil yar oo 15 sano jir ah kaasi oo shabaabka si qasab ah dagaalka usoo galiyeen kadibna ay goobta uga carareen.