Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Hada Laga soo Sheegaya Magaalada Muqdisho??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 9:28 under Somali News by Tifaftiraha K24

Banaanbax looga soo horjeedo in xukun lagu rido dadka Soomaaliyeed eek u xiran dalka India ayaa ka dhacay Taalada daljir dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigayay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka Dibad baxayaasha ah ayaa saxaafada u sheegay inay ka soo horjeedaan in dadkaas Soomaaliyeed Maxkamad lagu soo saaro dalka India, waxayna sheegeen in loo baahanyahay in dadkaan Maxkamad lagu soo saaro dalkooda.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa asna ka sheegay banaanbaxaan in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ay ka soo horjeedaan in xukun cadaalad daro ah lagu rido dadka Soomaaliyeed eek u xiran Xabsiyada Dalka India.