Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Hada ka Cusub Dacwadii Badda ee u Dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya??? war ayan idin kaga heynaa

no responses
Monday September 19, 2016 - 8:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta  ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.

Qareeno iyo  aqoonyahano ku xeeldheer arimmaha badda ayaa gaaray magaalada Hogue ee dalka Holland.

waxaa sidoo kale shalay gaaray Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Dacwada oo maanta bilaabaneysa ayaa lagu wadaa in la soo gaba- gabeeyo 23-ka bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha soo socda.

Kenya ayaa isku dayday in ay is-hortaag ku sameyso dacwadan oo ay gudbisay dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya  horey u sheegtay in aaney ka tanaasuli doonin dacwada Badda ee ay gudbisay.

Maxkamadda ICJ ayaa horay  u sheegtay in bisha September ee sanadkan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada dal.

Facebook Comments