Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Dowlada Soomaliya ay ka tiri Weerarkii Blue Sky ee Muqdisho??? War ayaan idinkaga heynaa

no responses
Saturday October 1, 2016 - 4:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay maqaayada Blue Sky oo ku taala nawaaxiga taallada Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid cadawga uu ugu tala galay in uu ku gumaado shacabka Soomaaliyeed ee ka cunteynaayay maqaaxidaas, waxa uuna xusay in falalka nuucaan oo kale ah ayihiin weerarada bahalnimo ee nabad diidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa u tacsiyeeyay Ehelada iyo Asxaabta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi foosha xun, waxa uuna sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dabar goynta kooxaha ku howlan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Facebook Comments