Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Dowlada Ingariiska ay Soomaliya ka Caawineysa Xili lagu ….

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 7:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Theresa May oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkii 71aad ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay arimo badan oo khuseeya arimaha Soomaaliya.

Qudbadeeddii ay ka jeedineysay Shirka Golaha Guud ee QM ee magaaladda New York ayey ku sheegtay in Britain ay Door muhiim ah ka qaadatay ladagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Ingiriisku waxaa ay Sheegtay in Ciidammo Dheeri ah ay usoo Diri Doonto Soomaliya si ay Gacan uga geeystaan Tababaridda Ciidamadda Doowladda Soomaliya ee Dagaalka kula jira Al-shabaab, 30 Askari oo Dheeri ah ayeey Shegtay in Hadda Soomaliya loo Soo diri Doono kuwaas oo ku Biiraya 70 Askari oo Hadda ku Sugan Soomalia kana Qeeyb Qaata Ladagaalanka Al-shaab.

“Tan iyo 2010 kii Taageero Balaaran oo ka Timid Gobolka iyo Dagaalka ciidamadda Soomalida ayaa Al-shaab ku Qasbay in isaga Baxaan Magaalooyin waaweeyn oo ay Horay u maamuli Jireen “ ayeey Tiri Theresa may.

“Waa Muhiim Hadii aan nahay Bulshadda Caalamka in an Siiwadno taageeradda aan u fidinno Wadamadda Ku yaalla Gobolka, Waa Geeska afrikee, Taas oo ay ka Qeeyb Qaadanayaan Kumanaan Ciidammo ah, waana in aan Sii wadnaa Dhisidda Awoodda Ciidamadda Soomaalidu ay leeyihiin.” ayey tiri Raisul wasaaraha Ingariiska.

Theresa May ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay muhiim tahay in ay isgu yimaadaan shir weyne caalami ah oo  la qaban doono Horaanta Sanadka 2017 kaasi oo looga hadlaayo arimaha Soomaaliya , islamarkaana dhaqaalo loogu aruurinaayo dalka Soomaaliya.

Sida la sheegay Qorshahaan waxaa ku baxaya Qarash Dhan 7 Million oo Boun si Britain ay u garab istaagto Dowlada iyo Shacabka Soomaliyed

Facebook Comments