Animation

War Cusub: Maxaadan ogeyn oo dhexmaray wasiir yuusuf garaad iyo danjiraha itoobiya u fadhiya soomalia???

no responses
Saturday April 29, 2017 - 1:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga soomalia mudane yuusuf garaad cumar ayaa warqaddaha aqoonsiga danjirnimo wuxuu ka guddoomay Danjiraha Ethiopia ay usoo magacowday soomalia.

Wasiir yuusuf garaad oo bartiisa facebooka kusoo daabacay qoraal kooban ayaa waxa uu sheegay in xafiiskiisa uu ku qaabilayn danjiraha itoobiya ee soomalia.

“Waxaan maanta nuqulka waraaqaha Aqoonsiga Danjirennimo uga guddoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Jamaludin Mustafa Omar oo Dowladda Ethiopia ay u soo magacawday Danjiraha Ethiopia ee fadhigiisu uu yahay Muqdisho.”

Danjiraha waxaan is weydaarsannay erayo kooban oo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah Soomaaliya iyo Ethiopia. Waxaan si gooni ah isula soo qaadnay qodobbo ay ka mid yihiin deeq Waxbarasho oo ay Ethiopia siiso arday Soomaaliyeed.

Waxaan u rajeynayaa Danjire Jamaludin in uu noqdo mid wax wanaagsan ku soo kordhiya iskaashiga labada dal.

Fadhiga oo aan af Soomaali ku wadahadalnay waxaa goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.