Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Cumar C/Rashiid uu u tagay Deegaanada Carmo iyo Waaciye oo ka tirsan Maamulka Puntiland???

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

R/wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno kale oo ka socday maamulka Puntlan ayaa maanta la kulmay hogaamiyaasha qeybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Carmo oo ka tirsan maamulka Puntlan.

R/wasaaraha  iyo xubnihii kale ee la socday oo kormeerkoodu la xiriiray u kurgalidda xaaladda nabadgelyo tan  nolol ee halkaasi wacaa deegaankaasi ku soo dhoweeyay hogaamiyaasha  bulshada oo ka warbixiyay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha jira.

Mudane Cumar C/rashiid oo maalmahaan booqashooyin ku maraya deegaanno ka tirsan maamulka Puntlad,waxa uu saakay soo maray deegaanka Waaciye oo la xaqiijiyay in ay ka jiraan biyo la’aan baahsan .

R/wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxa uu amar ku bixiyay in dadka ku dhaqan deegaanka Waaciye loo sameeyo biyo dhaamin,isagoo si gaar ah u dalbay in 20-gaari oo ah kuwa biyo dhaaminta ay bilaabaan howlo biyo dhaamin ah