Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo ay ka Wada Hadleen General Koofi Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug??

no responses
Thursday November 3, 2016 - 10:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka GeneralMaxamed Aadan Koofi oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa waxa uu kulamo muhiim ah la qaatay Masuuliyiinta Maamulkaasi.

General Koofi ayaa la kulmay Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir waxaana ay ka wada hadleen Arimo Xasaasi ah oo quseeya Shaqada Migrationka.

Kulanka ayaa waxa diirada lagu saaray sidii maamulka Galmudug oo ula shaqeyn lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha gaar ahaan Arimaha Basaboorada iyo Socdaalka Garoomada Galmudug

Masuuliyiinta Galmudug ee la kulmay Hogaanka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka ayaa waxa ay Balan qaadeen in ay la shaqeyn doonan Laanta Socdaalka Maamulka Galmudug uu diyaar u yahay in Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha uu la Falgalo.