Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Axmad Cali daahir uu ka yiri Dhalinyarada Soomaliyed ee Dalka Hindiya ku Xiran???

no responses
Thursday September 29, 2016 - 10:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr; Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay Dowladda Hindiya kala hadleen sidii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran halkaasi loogu soo celin lahaa Dalka si loogu Maxkamadeeyo.

Dr;Axmed Cali ayaa sheegay inay da’yartani xaq u leeyihiin in Maxkamad lagu saaro Dalkooda Hooyo, balse ayan Dowladda Hindiya xaq u lahayn iney ka gaarto go’aan kama dambays ah dembiyada loo haysto.

Hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka , ayaa imanaya xilli ay dhowaan soo baxeen warar sheegaya in 50 Dhallin yaro Soomaaliyeed ah oo ku jira jeelasha Hindiya lagu xukumayo dil, markii ay xukuumadda New Delhi ku eedeeysay Burcad badeed nimo.