Animation

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Amisom ay ka tiri Eedeyn loo Jeediyay Ciidankeeda oo ku aadan in Dad Shacab ah ay ku Xasuuqeen Dagmada…..

one response
Sunday November 13, 2016 - 8:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan ku aadan wararka sheegaya in ciidamadooda ay bartamaha Soomaaliya ku dileen ugu yaraan 7-qof oo rayid ah kadib markii ay ku dagaalamen ciidamadooda iyo kuwa Al-shabab arbacadii tagtay.

AMISOM ayaa sheegtay in kolonyo ay ciidamadooda la socden oo maraayay Ceel Buur ay wadada u galeen dagaalamayaal ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabab ayna khasaare gaarsiiyeen.

AMISOM war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in wararka ay tabiyeen warbaahinta gudaha ay baaritaan ay kusameen doonan kaa oo ku aadan dad rayid ah ay toogteen ciidanka AMISOM.

Warka waxaa lagu yiri sidoo kale AMISOM ayaa ka feejigan inay waxyeelo u geeysato dadka rayidka howlgal waliba ay ka sameenayso Soomaaliya ayna baaritaankoda la kaashan doonan sarakisha Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa tabisay in 7-qof ay ku dhinteen rasaas ay rideen ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.