Animation

War Cusub: Maxaad kala Socotaa Wararkii Ugu Dambeeyay ee Magaalada Kismaayo Maxaase laga soo sheegaya???+Sawirro

no responses
Monday October 3, 2016 - 5:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mida Dhulka Jubbooyinka, ayaa maanta lagu qabtay xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland Kismaayo.

Shirkan oo ay qaban qaabadiisu iska Kaashadeen Masuuliyiinta Degmada iyo kuwa Gobolka, ayaa lagu jeexjeexay sidii loo caawin lahaa Dadka iyo Duunyada ay saamaynta ku yeesheen Abaaraha ba’an ee ka Jira Jubbooyinka.

Xubno ka socda labada Gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ganacsato shirkaasi ka qayb gashay ayaa dhammaantood waxay ballan qaadeen iney Gacan ka geysan doonaan gurmadka loogu jiro samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, C/nuur Cali Aaden, ayaa goobta ka sheegay inaan loo kala harin hawshan, wuxuuna qurba joogta iyo cid kastoo reer Jubbaland ah ugu baaqay iney u istaagaan sidii looga qayb qaadna lahaa gurmadka Abaaraha Jubbaland.

Jubbaland ayaa horey Dowladda federaalka iyo Hay’adaha sama falkuba ugu codsatay iney deeq la soo gaaraan Dadka ay saameeyeen Abaaraha halkaasi ka jira.

jubba1 jubba2 jubba4 jubba5 jubba7 jubba9-640x427