Animation

War Cusub: Maxaad kala socotaa In Dwlada Soomaliya ay Amar ku Bixisay in Albaabada la isugu Dhufto Safaaradda Soomaliya ay ku leedahay Wadanka……

no responses
Monday October 31, 2016 - 7:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ahna sii haya Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cusmaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu amray in muddo bil gudahood lagu xiro Safaaradda Sanca.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in si deg deg ah lagu xiro Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

“Waxaa rabaa inaa idin sheego in Safaaradda Sanca ay mudadii ugu dambeysay ay haysay shaqooyin badan oo ka mid ahaa daad-gureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan ee dalka Yemen, waxaa soo baxday oo hada taagan in dowladda Soomaaliya amartay in la xiro Safaaradda, waxaa na soo gaaray warqad nooga timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la leeyahay hala xiro muddo bil gudaheed, kuma cada warqadaas sababta loo xirayo”ayuu yiri Qunsulka Soomaaliya ee Safaaradda Sanca Cusmaan Axmed Maxamed.

Qunsulka ayaa sheegay in sababaha loo xirayo Safaaradda ay tahay in dowladda ay qaadatay go’aan ah ay ku taageereyso dowladda sharciga ah ee dalka Yemen, sidaas darteedna aysan xilligan suura gal aheyn in Safaarad ka sii furnaato magaalada Sanca oo ay gacanta ku hayana Xuutiyiinta.