Animation

War Cusub: Maxaad ka Taqaan Cahdiga Lagu Magacaabo (IORA) oo Dowlada Soomaliya ay Saxiixday??+Sawirro

no responses
Friday October 28, 2016 - 8:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa saxiixay cahdiga Ururka Mideeya Waddamada dhaca Badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA).

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu saxiixay Cahdigaasi intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada Ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia, heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku Midoobeen Waddamada ay hareyso Badweynta India ee loo yaqaan (IORA), taasi oo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer oo hadal ka jeediyay, ayaa waxa uu diiradda ku saaray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xiriir xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan Waddamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena islmarkaana hiigsaneynaa inaaynu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajin doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac ballaaran ka geysan kara dhaqaalaha Soomaaliya bad iyo berriba.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya”,ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedkaasi.

1-4 2-4