Animation

War Cusub: Maxaad ka ogtahay Wararka sheegaya in Kooxo Hubeysan ay Weerar ku qaadeen Hotel uu Magaalada Galkacyo ka Daganyahay Madaxweynaha Galmudug??? Warar ayaan idin kaga heynaa

one response
Saturday November 19, 2016 - 8:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo Baxayan Warar Xalay ilaa Saakay lagu Baahiyay Baraha Bulshada oo ku aadana in Weerar lagu qaaday Hotel uu Magaalada Galkacyo ka daganyahay Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Guulled.

Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in ay Weeraran Hotelka uu Galkacyo ka daganyahay Madaxweyne Guulled waxaana Wararka qaar ay sheegayan in Dagaal kooban uu dhexmaray Ilaalada Madaxweynaha iyo Kooxdii Weerarka soo qaaday.

Lama sheegin Weerarka Cida soo qaaday Waxaana warkaan uu ku baahay Dhamaan Baraha Bulshada .

Madaxtooyada Galmudug ayaa La Filaya in Goordhaw ay war ka soo saarto Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada.