Animation

War Cusub: Maxaad ka ogtahay Kulan Madaxtooyada Villa Soomaliya ku dhexmaray Xasan Shiikh iyo Danjire Afeey??? War ayaan diin kaga heynaa

no responses
Thursday October 13, 2016 - 11:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Muqdisho, 13 October 2016 (Villa Somalia)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.

Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee loo soo magacaabey, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeeyo barnaamijyada lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool iyo barakaceyaasha ku nool gudaha dalka.

———————-DHAMMAAD——————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so