Animation

War Cusub: Maxaa ka soo Baxay Kulan Xasaasi ah oo Muqdisho ku dhexmaray General Xaamud iyo Saraakiil ka socota Midowga Yurub.????+Sawirro

no responses
Monday September 19, 2016 - 2:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ay wehliyaan qaar kamid ah Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota Midowga Yurub Oo ay hogaaminaysay haweeneyda lagu magacaabo, Ms Maria Cristina-Stepanescu, oo madax ka ah qeybta Tababarada siisa Ciidamada Badaha wadamada Geeska Afrika.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa saraakiisha midowga Yurub ka socotay waxaa uu kala hadlay sidii gacan ugu geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Booliiska Soomaaliya.

Kulanka ay wada yeesheen kadib  ayaa saraakiisha midowga Yurub ka socotay waxaa ay kormeereen Dugsiga Tababarada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee General  Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

cap cap_1 cap_2 cap_3 cap_4