Animation

War Cusub: Maxaa ka jira Ninkii Isku qarixyay Hotel Dayax in uu yahay Dhagar qabihii horay u dilay Taliyihii Nabad sugida…….

no responses
Friday January 27, 2017 - 11:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerarkii dhawaan shabaab ay ku qaaday Hotelka Dayax ayaa waxa ay sheegayan in Ragii Hotelka weeraray Mid kamid ah uu ahaay Askari kasoo goostay Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Askarigaan oo lagu Magacaabi jiray C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg waxaa uu dil u geestay Taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubbaland Ciise Alaaki oo ku magac dheraa (Ciise Kaambooni) isagoona ka baxsaday Magaalada Kismaayo iskuna dhiibay Maamulka Alshabaab ee Dagmada Jilib .

Ninkaan ayaa la sheegay in uu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee isku qarxiyay Albaabka Hotelka Dayax waxaana shabaab Magaciisa ay ku sheegeen  C/raxmaan  Maxamed Cabdulle Koronto Inkasto shabaab ay Ninkaan magaciisii hore qarisay oo Magacaan kale ugu yeedhay.

Dilka Taliyihii hore ee Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland waxa uu dhacay 19-kii Feberaayo sanadkii 2014 wixii xiligaasi ka Dambeeyay C/raxmaan waxa uu qeyb ka ahaay Maleeshiyada dagaalanta ee Ururka Alshabaab Markii dambana wuxuu kusoo biiray Kooxda Qaraxyada fulisa ee Uruka Alshabaab .

Facebook Comments