Animation

War Cusub: Mareykanka oo Soo Saaray Liiska Dalal ay Soomaliya ka mid tahay oo Daacish ay Weeraro u qorsheysay

no responses
Saturday September 10, 2016 - 11:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waaxda Arrimaha dibbada Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ka digayso weeraro ay kooxda Daacish ka geystaan dhawr wadan oo Soomaaliya ka mid tahay.

Digniintaan cusub ee Maraykanku soo saaray waxaa uu sheegay in kooxda la baxday khilaafadda Islamka ay diyaariyeen weeraro argagixiso oo lagu bartilmaamaydsan karo dadka haysta dhalashada Maraykanka.

Wadamada liiskaan kusoo baxay waxaa ka mid ah Soomaaliya Sacuudiga iyo wadamo kale oo qaaradda Yurub ku yaala.

“Dadkeena waxaan uga digaynaa inay u safraan Soomaaliya, Sacuudiga, Ciraaq, Suuriya iyo wadamo kale oo Jarmalka, Turkiga iyo Biljimka sababtoo kooxda Daacish ayaa doonaysa inay idinku bartilmaamaydsado” ayaa lagu yiri warkaan.

Soomaaliya marka le eego warkaan waxaa lagu sheegay in koox xariir la leh Daacish ama xataa Al-Shabab ay diyaarinayeen weeraro ka dhan ah dadka Maraykanka ah sidaa darteed ay halis jirto.

Maraykanka dhawr jeer oo hore ayay ka digeen weeraro ka dhaca wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.