Animation

War Cusub: Mareykanka oo Diyaarado lagu dagaalamaayo Alshabaab ku wareejiyay Wasaarada Gaashaandhiga Wadanka……

no responses
Friday December 2, 2016 - 11:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Maraykanka ayaa Maanta Shan Diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ku wareejisay Wasaaradda Gaashaan dhigga ee Dalka Kenya, kuwaas oo loogu tala galay in lagula dagaallamo Ururka Al-Shabaab.

Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya,Haweeneyda lagu Magacaabo, Raychelle Omamo, ayaa sheegtay inay Diyaaradahani  qaarkood yihiin Air Base , iyadoo Laba kalena la filayo in lasoo gaarsiiyo Bisha May ee 2017-da.

“Waxay kaalin weyn ka Ciyaari doonaan Diyaaradahan, howlaha adag ee aan ka wadno Soomaaliya iyo la dagaallanka Argagixisada, ayay tiri Mss; Raychelle Omamo.

Deeqdan Diyaaradaha ah ayaa lagu qiimeeyay 106 Milyan oo Dollar oo u dhiganta 11 billion oo Kenya Shillin ah, taasoo qayb ka ah heshiis lagu kobcinayo ammaanka Gobolka oo ay horay u wada galeen Waddamada Saxaraha ka hooseeya iyo Madaxweynaha xilka kasii dagaya Dalka Maraykanka Brack Obama.

Safiirka Maraykanka u jooga Kenya Danjire; Robert Godec,oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay, in ay tahay deeqda ugu badan ee lasiiyo Dalalka Saxaaraha ka hooseeya ee Afrika,isagoo intaa ku daray inay tani kaalin mug leh ka qaadan doonto la dagaallanka Ururka Al-Shabaab.