Animation

Daawo: Magaalada Jowhar oo lagu soo Bandhigay Magaca iyo Calanka uu yeelan Doono Maamulka Labada Gobol Hiiraan iyo Sh.Dhexe

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 9:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo maalmahaan danbe magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socday shirweyne looga arinsanaayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ergada maamul usameynta labada gobol ay caawa isku raaceen in magaca cusub ee labada maamul uu noqdo HIRSHABEELLE.

Sidoo kale waxaa Ergada meel mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.

Ergada ayaa sidoo kale la sheegay in ay haatan ku howlan yihiin wax ka badalka Qabya Qoraalka Dastuurka iyo dhameestiirkiisu qodobada muhiimka ah ee la xiriiro ku dhawaaqista caasimada cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe, astaanta iyo calanka maamulkaas lagu wado in uu yeesho.

Warar ay heleyso K24 ayaa waxa ay sheegayan in Maalinta Khamiista Magaalada Jowhar lagu qabto Munaasabad lagu shaacinaayo Magaca iyo Calanka uu yeelan Doono Maamulka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

hirshabeelle

calanka