Animation

War Cusub: Madaxweyne Xasan Shiikh oo si Aan Caadi aheyn ugu Hambalyeey Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 9:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Hogaamiyaha Cusub ee Wadanka Mareykanka Donald Trump oo ku guuleystay Doorashada Wadanka Mareykanka.

Xasan Shiikh ayaa ugu Hambalyeyay Trump Guusha uu ka gaaray Doorashada Madaxtinimada Mareykanka oo ay kula Tartameysay Haweyneyda Lagu Magacaabo Hillary Clinton.

Madaxweynaha Jamhiuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha Dalka Mareykanka ugu baaqay in uu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, sidoo kalena uu sii wado taageerada Mareykanka uu siinayo Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo farxad leh u dirayaa Donald Trump oo noqday Madaxweynahii 45-aad ee soo mara Dalka Mareykanka iyo dhamaan shacabka Dalka Mareykanka oo doortay Madaxweynahooda cusub” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Trump wuxuu Noqonaya Madaxweynihii 45-aad ee soo Mara wadanka Mareykanka waxaana Caalamku ay hada Daawanaya Siyaasada Cusub ee Ninkaan uu ku Hogaamin doono wadanka Mareykanka.