Somali News

War Cusub: Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka oo si aan Caadi aheyn uga hadlay Weerarkii lagu dilay Safiirka Ruushka u fadhiyay Ankara

Dawladda Ruushka ayaa baareyaal u dirtay dalka Turkiga ka dib markii nin booliis ah uu dilay danjirihii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Mevlut Mert Aydintas ayaa toogtay Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya Isniintii, iyadoo ay u muuqatay in ninkaasi uu diidanaa faragalinta Ruushka ee arrimaha magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ma cadda in wiilkan 22 jirka ah ee ka tirsanaa booliiska rabshadaha ka hortaga in uu wax calaaqaad ah la lahaa urur.

Markii dambe ayaa isagana toogasho lagu dilay.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan looga gol’lahaa in lagu dhaawaco calaaqaadka ay Ruushka la leeleeyihiin.

Arrintan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu dhacay mudaaharaad lagu diidanaa taageerada uu Ruushku siiyo madaxwaynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Erdogan ayaa taleefan kula hadlay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, fariin muuqaal ah oo uu soo duubayna Erdogan wuxuu ku sheegay in labadooduba ay ku heshiiyeen in arrintani aysan ahayn “daandaansi”.

Wuxuuna intaas ku daray in dadka doonaya in ay xumeeyeen calaaqaadka labada dal “in aysan u suurtagali doonin”.

Madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay dilkii loogaystay safiirkii dalkiisa u fadhiyay dalka Turkiga inuu ahaa tallaabo daandaansi ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo dadaalada nabadda ee Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa isna dilka safiirka ku tilmaamay inuu yahay weerrar lagu soo qaaday qarankiisa.

Related posts

Akhriso:Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Muqdisho

admin

Koonfur Galbeed oo sheegtay in Dowladda ay ka dalbadeen Ciidankii Shalay Baydhabo la geeyay

admin

Daawo: Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif oo si aan Horay loo arag Maanta loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Tifaftiraha K24