Animation

War Cusub: Madaxweynaha Uganda oo si Layaab leh Uga Hadlay Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaliya

2 responses
Saturday November 5, 2016 - 12:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo kulamo amaanka looga hadlaayay kula yeeshay wadankaasi sarakiil ciidan oo Faransiis ah ayaa ka hadlay ka bixitaanka saldhigyo dhowr ah ay ciidamada Ethiopia ay baneeyeen.

Wargeyska Saturday New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray in Madaxweyne Museveni iyo Wafdiga Faransiiska Khamiistii la soo dhaafay kulan ku yeesheen Hotelka Speke Resort Hotel oo ku yaalla Deegaanka Munyonyo.

museveni-640x384

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday dhibaatada haysata hogaanka Soomaaliya inay tahay fikir la’aanta marka ay timaado inay ciidamada AMISOM magalooyin qaar ee Soomaalia ka baxaan.

Saraakiisha Faransiiska ee kulankaasi ka qeyb galay ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin ciidamada Ethiopa saldhigyadoodi inay baneeyaan halkaasi oo goor danbe ay la wareegen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay sii wadaan taagerada ay la garab taagan yiiin ciidamada AMISOM si ay u sii wadaan soo celinta xasilonida Soomaaliya wuxuuna intaasi ku daray in Ciidamada Uganda ay Buuxin doonan Kaalintii ay faarujiyeen Ciidamada Itoobiya Balse Midowga Yurub looga baahan yahay In Dhaqaalaha ay Bixiyaan.