Animation

War Cusub: Madaxweynaha Maamulka Hirsahbeele oo Socdaalkiisa ugu Horeeyay Maanta ku tagay Magaalada….+Sawirro

no responses
Wednesday October 19, 2016 - 1:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayao Madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Hirshabeele  Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa markii ugu horaysay  maanta ka amba baxay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedkaasi.

Wafdigaan uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Hirshabeele waxa ay kusoo Wajahnaayeen Magaalada Muqdisho iyadoona Warar aan ahda helnay ay sheegayan in Madaxweynaha uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeele iyo Wafdiga uu Horkacaayo.

Ka hor inta uusan ka dhoofin Magaalada Jowhar ayuu Warbaahinta la Hadlay Mudane Cali C/llahi Cosoble “ Maanta markii ugu horeysay ayaan ka ambabaxaya Jowhar waxan ku wajahanay caasiamda dalka halkaasi waxaan kula kulmi doona beesha caalamka, waxaan kale oo la tashi la sameyn doono bulshada labada gobol, waxaa bilowday halgankii hergalinta dowlad goboleedka”ayuu Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aanu ka soo ambabixin magaalada Jowhar.

Waa Socdaalkii ugu Horeeyay Madaxweynaha Hirshabalee uu ku yimaado Magaalda Muqdisho tan iyo Markii Xilkaan loo Doortay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Markuu Madaxweynaha kasoo Ambabaxayay Magaalada Jowhar.

labo-cali0 labo-cali1 labo-cali3 jowhar-640x427