Animation

War Cusub: Madaxweye Obama oo ku baaqay Arin aad Muhiim ugu ah Muslimiinta ku Nool Wadanka Mareykanka.. Toloow Muxuu ku baaqay???

no responses
Saturday September 17, 2016 - 11:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale dib u soo cusbooneysiyay baaqiisii ahaa in muwaadiniinta Mareykanka ay soo dhaweeyaan si wanagsana ula macaamilan Jaaliyadda Muslimiinta ah ee la nool,ayna u muujiyaan dabacsanan iyo qalbi furnaan.

Sida ay faafisay Jariidada Washinton Post wuxuu Madaxweynuhu u ballan qaaday Muslimiinta ku nool Mareykanka iyo dadka kale  ee shisheeyaha ah inan si gooni ah loo  faquuqi doonin.

Bayaan ka soo baxay Aqlka cad ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka iyo  Afadiisa ay ugu hambaleyeeyeen Muslimiinta munaasabadii Ciida Al-adxa, waxaana bayaanka lagu cadeeyay inay jiraan Malaayiin Muslimiin ah oo hooy iyo nololba haysanin oo ku kala firirsan dunida.

Bayaankaa ayaa sidoo kale lagu canbaareyay hadalada qalafsan ee Musharaxa Xisbiga Jamhuuriya  Donald Trumpu uu  Muslimiinta ku sifeynayo.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay  ayaa waxa u maamulka Obama shaaciyay inay gaareen heshiis ah in ay qaabilayaan 10 kun Qaxootgi  Suuriyaan ah, waxaana la filyaa inuu Madaxweynuhu uu ka qeyb galo shirka looga hadlayo mushkiladda Qaxootiga Adduunka oo Todobaadka soo socoda ka dhici doono magaalada New York.