Animation

WAR CUSUB: Maanta Waa Sidee Xaaladda Magaaladda Ceelwaaq, Maxaa Kaloo Maanta Ka Cusub Wixii Shalay Magaaladda Ka Dhacay???? (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 7:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaaladda Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa Saaka degen,waxaana la sheegay in Al-shabaab ay Xalay Habeynimo ay magaalada iskaga baxeen kuwaas oo Shalay Galab Dagaal ku qabsaday Ceel-waaq.

Ciidamada Berre Hiiraale ee hadda lagu biiriyay kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in laga dilay 12 Askari oo uu ku jiro Taliyehoodii oo lagu Magacaabi jiray Aadan Koronto.

Dhanka kale weli lama Oga Khasaaraha Dagaalka ka soo gaaray Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sidoo kale Dagaalka ku Furtay Saddex Gaari oo Nuuca Dagaalka ah sida ay noo xaqiijiyeen Illo ku dhaw dhaw Saraakiisha Ciidanka Barre Hiiraale.