War Cusub: Maamulka soomaliland oo ku dhawaaqday go’aan ka yaabiyay dowladda federaalka iyo shacabka deegaanada soomaliland ku nool

0

Maamulka soomaliland ayaa iska diiday in uu qaato lacago ay dowladda federaalka ugu deeqday dadka ay abaartu ku saameysay deegaanada maamul goboleedka soomaliland.

Soomaliland waxa ay sheegtay in dowladda soomalia ay si qaldan ugu soo martay lacagtaan ay soomaliland ugu yaboohday soomaliland ay taasi marnabada aqbali doonin.

Shri ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulka soomaliland ayaa lagu qaadacay aqbaista lacagtaan ka timid dowladda dhexe ee soomalia ee ku wajahneyd dadka abaartu saameysay ee ku nool deegaanada maamulka soomaliland.

Lacagtaas oo dhan 200,000 oo Doollar, ayaa wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa uu sheegay inaanay diyaar u ahayn.

” lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana mana dooneyn lacagtaas soomalia nooga timi, Waxa kale oo aanu sheegayaa Dawladda Soomaliya in Umadda Jamhuuriyada Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato” ayuu yiri wasiir saxardiid.

Dowladda federaalka soomalia weli kama aysan hadlin go’aankaan maamulka soomaliland kasoo baxay ee ay ku diideen lacagta abaarta loogu talo galay ee dowladda ay bixisay.