Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

War Cusub: Ku Dhawaad 16kun oo Qaxooti soomaliyed oo ka soo laabtay Xeryaha Dhadhaab ayaa hada waxa ay….+Sawirro

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Md: C/raxmaan Xuseen Odowaa  ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo Howlwadeennada Hayadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Kulankaasi ayaa ku saabsanaa xaaladda Qaxootiga dalka ku soo noqday,  wuxuuna wasiirku u kuurgalay qaar ka mid ah xafiisyada hay’ada oo ay ka socoto diiwaan galinta dadka soo laabtay xeryaha qaxotiga ee dalka Kenya, isagoo warbixin mid mid uga dhageestay howlwadeenada xafiisyadaasi.

kormeerka ka dib ayuu wasiirka waxaa uu kulan la qaatay maamulka sare ee hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka waxaana uu warbixin ka dhageestay gudomiyaha gudigga Axmed Daahir Cabdikariin Nuur oo yiri

“Dhadhaab arinteeda waad la socotaa mudane wasiir arinteedii way adagtahay dadkaasi dhawaan in ay soo noqdaan sabab kasta haku soo noqdaane waxaan kaa codsaneynaa xilli kala guur ah ayaa lagalayaa in arinta qaxootiga iyo barakacaaysha ay muhiimadda koowaad kuu ahaato mar walba “ayuu yiri Axmed Daahir ”.

dhanka kale  Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga ayaa intaasi raaciyay in sanadkan gudihiisa xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya ay ka soo noqdeen 16,000 oo qaxooti  ah , dalka yamanna waxaa ka soo noqday 27,000 oo qaxooti Soomaali ah,waxaa kale oo jira ayuu yiri 7,500 oo Qaxooti Yamaniyiin ah oo Soomaaliya Yimid.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo gunaanadkii kulanka ka hadlay ayaa la dar daarmay madaxda hay’ada wuxuuna yiri

“Waxaan ku bogaadinayaa  Gudoomiyaha iyo ku xigeenadaba in shaqaalaha la taba baro lagu taba baro macaamilka dadka idiin imaanaya lana ogaado maalintaas  shaqada loo qabanayo, in aad kormeertaan dadku inay dareemaan in aysan jirin meel dalkooda hooyo u dhaanta ,waa daalan yihiin ee  mas’uuliyad wayn ha la iska saaro soo dhaweyntooda”ayuu yiri wasiir Odawaa.

Odawaa1-300x169 Odawaa3-300x169 Odawaa5-300x169

Related posts

SAWIRRO:- Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo Gaaray Magaaladda Baydhabo

Ahmed sudani

Al Shabaab Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Sh/ Dhexe.

admin

DEG DEG: Qarax xoogan oo qasaaro kala duwan geestay ayaa waxa uu ka dhacay wadada maka al-mukarama gaar ahaan hotelka……

Tifaftiraha K24