Animation

War Cusub: Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo Dil loo geestay Kadib Markii ay Dhaceen Ganacsato Soomaliyeed… Tollow Yaa dilay ???

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 10:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka laga helaayo Dalka Koofur Afrika ayaa sheegayo in Ciidamada Ammaanka dalkaas ay toogasho ku dileen kooxo burcad ah oo dhac u geysatay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaasi Koofur Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku darayo in dilka burcada uu fududeyay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaca loo geystay oo dabagalay kooxihii dhacay islamarkaana la xiriira ciidama amaanka dalkaas.

Buracddan la dilay ayaa la sheegay in muddo badan ay falal isugu jira dhac, dil iyo dhaawacyaba u geysan jireen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsatada gobollada dalka Koofur Afrika.