Animation

War Cusub: Kooxda Daacish oo ar Culus ka soo saartay Weerarkii Lagu qaday Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo Cida Fulisay

no responses
Sunday October 30, 2016 - 2:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida lagu daabacay Wakaaladda wararka Amqa Maalintii Sabtidii Shalay aheyd Kooxda Daacish ayaa Sheegatay Masuuliyadda Weerar Argagaxisnimo oo lagu qaaday Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi.

Weerarkaasi oo lagu dhaawacay Sargaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Safaaradda Mareykanak ee Nairobi.

Khamiistii aynu soo dhaafnay waxaa Banaanka hore ee Safaaradda Mareykanka Nairobi lagu toogtay Nin ku Hubeysan Mindi kaasi oo saraakiisha ay ku sheegen in uu weerar ku ahaa Safaaradda mareykanka.

“Qofka fuliyay weerarka mindida waardiyayaasha banaanka safaaradda Mareykanka ee Nairobi Khamiistii hore ayaa ahaa askari ka mid ah kooxda Daacish oo ka jawaabayay baaqyada kooxda ee in ay beegsadaan wadamada isbahaysiga,” ayuu yiri Amaq.

Daacish waxay kaloo ugu baaqday Askarteeda in ay Beegsadaan Safaaraddaha Reer Galbeedka ee ku yaala Daafaha Caalamka.

Mareykanka weli kama uusan hadlin sheegashada Daacish ee ku aadan Weerarkii lagu qaaday Xarunta Safaaradda mareykanka ee magaalada Nairobi Iyadoona safaaradda Albaabada la isugu dhuftay.