Animation

War Cusub: Kooxda Alshabaab oo Fagaaro ku yaala Dagmada Bu’aale ku toogatay Seddex Ruux oo labo Kamid ah lagu eedeyay in ay Isku galmoodeen

no responses
Tuesday January 10, 2017 - 6:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Galabta Galinkii Dambe Maleeshiyada Alshabaab ayaa 3 Ruux waxa ay ku toogteen Fagaaro ku yaala Dagmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhexe.

Seddexda Ruux ee shabaabku ay ku toogteen DagmadaBu’aale ayaa la sheegay in labo Kamid ah ay ku Kaceen Fal Liwaad ah ama Isku Galmoosho ah halka Ninka kalana lagu eedeyay in uu la shaqeyn jiray Ciidamada Itoobiya.

Isxaaq Abshiroow oo 20 sana jir ah iyo C/Risaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah ayay shabaabku ku eedeyay in ay ku kaceen Fal Isku Galmoosho ah ama liwaad ah.

Nika kale ee la toogtay ayaa lagu Magacaabi jiray Saciid Max’med Cali waxaana shabaabku ay ku eedeyeen in uu kamid ahaa Ciidamo ay soo tababareen Itoobiya waxaana Ninkaan shabaabka ay kasoo qabteen Xili uu kasoo Ambabaxay Magaalada Kismaayo waxaana lagu qabtay Duleedka Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Facebook Comments