Animation

War Cusub: Kenya Miyey Dhaqan Galisay Go’aankii Dowlada Federaalka ay ku Joojisay Qaadka laga keeni jiray Dalkaasi?? Warbixin ayaan kuu heynaa

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 8:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in saaka gebi ahaaba aysan  garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan aysan  kasoo dhoofin qaad.

Ganacsatada qaadka oo ayaa xaqiijiyay in garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan uusan saaka ka dhoofin qaad.

Waxa ay intaasi kud areen in tallaabadani ay qaaday dowladda ay dhaawaceyso ganacsigooda maadaama lacago badan ay uga maqan tahay ganacsatada qaadka ee gudaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa talaabadaan u cuskatay arrimo amni, inkastoo aysan shaacin sababaha dhab ahaantii ku kalifay in ay qaaddo talaabadan.

Ganacsada Beeraha Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka dowladda Soomaaliya ay qaaday , waxaana ay sheegeen in dhaqaalo badan uu ugu maqan yahay gudaha dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa maalintii ka dega dhowr diyaaradood oo sida qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo Soomaalidu la sheego in ay yihiin dadka ugu badan ee cuna qaadka Kenya.