Animation

War Cusub: In Ka Badan 14,000 oo dumar Sacuudi ah ayaa Codsi La yaab leh u Gudbiyay Dowlada Sacuudiga Tollow Maxay Dalbadeen???

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 3:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Codsi ay saxiixeen in ka badan 14,000 oo dumar Sacuudi ah oo ku baaqaya in la joojiyo sharciga ay dumarka u baahan yihiin inuu nin wakiil ka noqdo wax walba oo ay samaynayaan ayaa loo gudbiyay dowladda.

Dumarka ayaa laga doonayaa inay ka haystaan fasax nin wakiil ka ah markay safrayaan, markay shaqo raadsanayaan ama ay wax baranayaan.

Ololihii ugu horeeyay ee wayn ee arintan lagu taageerayo ayaa ka bilaabmay internetka iyadoo laga sameeyay Twitter hashtag.

Aziza Al-Yousef, oo ka mid ah dumarka ololaynaya oo gudbisay codsiga ayaa BBC u sheegtay inay dareemayso farxad, laakiin hadda ay sugayaan jawaab.

Dumarka Sacuudiga ayaa ogolaasho uga baahan aabahood, walaalkood ama nin qaraabadooda ah marka ay dalbanayaan baasaboor, markii ay guursanayaan ama waddanka ka dhoofayaan.

Dumarka ragooda ka dhintay ayaa wiilkooda uu wakiil ka noqonayaa.

Meelo badan shaqada iyo jaamacadaha ayaa sidoo kale u baahan dumarka shaqaalaha iyo ardayda inay fasax ka qaataan nimanka wakiilka ka ah, inkastoo sharciga uusan u baahnayn.

Inay dumarka ijaartaan guri, inay isdaaweeyaan ama ay sharci wax ku codsanayaan ayaa sidoo kale u baahan fasax inuu dhiibo nin wakiil ka ah, mana jiro wax ka hortagaya haddii nimanka wakiilka ah ay xayiraan xuriyada dumarka.

_91379086_mediaitem91379085 _91379092_mediaitem91379090 _91382247_aziza