Animation

War Cusub: Howlgalka AMISOM oo ku dhaw in uu Bur buro Kadib Markii Dowladaha Ciidankooda Joogaan ay…..

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 6:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Difaacca Dalka Uganda aya sheegtay in ciidamdeeda ku sugan dalka Soomalia aysan wax Mushaar ah aadan Afartii Bilood ee lasoo dhaafay.

Hadalka Wasaaradda Difaaca Ugandha ayaa kusoo aadaya iyadoo maaalmihii lasoo dhafay Qaar kamid Dowladaha Ciidamdu ka Joogaan Soomaliaya ay kasoo baxeeysay Cabasho ku aadan In Ciidamadooda ka Qeeyb qaadanaya Nabad ilaaalinta Soomaaliya aysan hellin Wax Mushaaraad ah.

Dowladaha Cabashadda ugu Balaaran ka Muujiyay Mushaar la’aanta Heeysata ciidamadooda waxaa kamid ah Dowladaha Burundi iyo Kenya, Iyadoo doowladda Burundi ay Dhowr Jeer ku Goodisay in ay Ciidamadeeda Soomaliya kala Baxeeyso, inkastoo Howlagalka AMISOM uu sheegay in Xal laga Gaaray Cabashdii Doowladda Burundi oo aysan Ciidamadeeda kala Baxeeynin Soomaliya.

Ku simaha Xoghaya Gashaandhigga Uganda Edith Buturo ayaaa Guddiga Baarlamaanka Uganda u Qaabilsan Arrimaha Gaashaandhigga u sheegay in ciidamadda Uganda ee ka Qeeyb qaadanaya Howl galka AMISOM aysan Wax Mushaaraad ah Qaadan Afartii Bilood ee Lasoo dhaafay.

Ciidamadda ugu Badan ee Howlgalka AMISOM ka qeyb qadanaya waa Ciidamadda Dalka Uganda Mushar la’aanta Waqtigaan ciidamadd ku Timidna Waxaa ay ka Dhigan tahy Gaabis ku Yimid Howlgalka AMISOM.