Animation

War Cusub: Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya oo ku dhawaaqday Xarumo 26 Sano ka hor Dalka aan laga furin

one response
Tuesday November 29, 2016 - 11:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Muddo 26-sano ka dib ayaa Hay’adda Socdaaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxa ay dib u howlgalineysaa xarumihii ay ku laheyd Xaduudaha dalka sii loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha dalka soo galid iyo ka bixid.

Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dawladda Federaalka soomaaliya G/Sare Maxamed Aaden Koofi ayaa tababar u furay shaqaale loogu talagalay in ay ka howlgalaan Xaruumaha Hey’adda ee Xaduudaha Dalka.

Shaqalaha tababarka loo furay ayaa waxaa ay si buuxda uga howlgali doonaan Xafiisyada Socdaalka ee Xuduudaha, iyagoo kontorooli doona dhaq-dhaqaaqa xuduudda iyo la socdka Ajaanibta Dalka ka soo galaya dhanka Xuduudda.

Dhawaan ayaa saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay tageen qaar ka mid ah Xuduudaha Dalka, si ay u soo arkaan xaaladda ka jirta Xuduuda, waxayna dib ugu soo labteen Muqdisho.

15192627_1013767615417789_2065276833138673157_n 15193659_1013767995417751_4959963379292649499_n 15219521_1013767865417764_5159007150691124217_n 15232097_1013767945417756_5985962918301165749_n kofi