Animation

War Cusub: Guddoomiyaha dagmada beled-xaawo oo xalay ka bad baaday qorsha lagu dili lahaay kadib markii gurigiisa lagu…

no responses
Saturday May 20, 2017 - 3:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax bambaano oo xalay lagu weeraray guri uu daganyahay guddoomiyaha dagmada beled-xaawo ee gobolka gedo.

Dableey hubeysan ayaa bambo ku tuuray guriga uu beled-xaawo ka daganyahay guddoomiye Muxamed Bayxaani.

Bambada ayaa la sheegay in ay gudaha u gashay guriga guddoomiyaha lamana oga qasaaraha ka dhashay bambka.

Alshabaab waxa ay sheegteen in khasaaro kala duwan qaraxa uu ka dhashay waxaana xiliga qaraxa uu dhacaayay gurigiisa ka maqnaay guddoomiyaha dagmada beled-xaawo oo qaraxa lala doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay howlgallo ka sameeyay xaafaddaha ay ka koobantahay degmada beled-xaawo kaasi oo ay ku baadi goobayan kooxahii ka dambeyay qaraxa bambada.