Animation

War Cusub: Goormee Dib u Bilaabaneysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeele oo Dhawaan lagu dagaalamay???

no responses
Sunday November 20, 2016 - 4:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay waqtiga dib loo bilaabayo doorashada xubnaha aqalka hoose oo hakad uu ku yimid  kadib israsaaseyntii ka dhacday magaalada Jowhar.

Guddiga wuxuu sheegay in Maalinta Arbaca ee Todobaadkaan Doorashada Xildhibaanada aqalka Hoose dib looga bilaabi doono Magaalada Jowhar.

Sidoo kale gudiga ayaa sheegay iney ka feejigan yihiin in markale qalalaaso soo wajahaan doorashada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhaceyso.

Guddiga wuxuu kaloo xusay in ay ku guda jiraan Xalinta Tabashooyinka iyo Rabshadihii Ka dhacay Xarunta Doorashooyinka ee Magaalada Jowhar.

Ciidamo ka tirsan Amisom ayaa Hada lagu wareejiyay Ammaanka Xarunta Doorashooyinka ee Magaalada Jowhar .