Animation

War Cusub: Faroole oo Socdaalkiisa Muqdisho Arimo Xasaasi ah aan idin kaga heyno Muxuuse ku dhawaaqay Markuu yimid????

no responses
Saturday January 21, 2017 - 9:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland kana Mid ah Musharaxiinta u Ordaya Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa Maanta yimid Magaalada Muqdisho,waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

C/raxmaan Faroole oo Saxafadda kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu Mideyn doono Ummadda Soomaaliyeed islamarkaana uu dalka ku dhaqi doono Sharciga Islaamka.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay Hormuud u tahay Kheyraadka Dalkeena ku jira oo Soomaaliya ay ka baahan tahay Sababna u noqday in la is dilo.

Sidoo kale Musharax faroole ayaa intaa ku daray in uusan Lacag ku bixin doonin Xilka Madaxweyne oo uu aaminsan yahay in Shaqsi lacag bixiyay uusan Soomaaliya Hormar gaarsiin karin.